Bismillah ar-Rahman ar-Rahim
Iqra Islamic Publications
Welcome to Islam
Accept Islam for your salvation
Live according to Islam for your spiritual progress

CAQIIDADA ISLAAMKA

Uu leeyahay A1-Imaam Sheekh-ul-Islaam
AL-Sayid Cabdullaahi Bin Calawi Al-Xaddaad
A1-Xusayni Al-Xadrami oo wafaaday
1132-dii Hijriyada
Eebbeheen raalli ha ka ahaadee

Caqiidada Ahlu Sunna Wal Jamaaca

Ilaahay baa kaligii mahad iyo ammaan leh wa salla Allaahu calaa sadayidinaa Muxammadin wa aalihi wa saxbihi wa sallama. Intaa ka dib, waxanu garan sannahay oonu caqiiday sannahay, oonu rumay sannnahay, yaqiin sannahay oo anu qiraynaa in Ilaahay kaligii mooyee aanu jirin Ilaah kale, ilaahnimada cid la wadaagtaana aanay jirin. Waa Ilaah weyn, boqor weyn, Rabbi kale isaga mooyee aanu jirin, ku kaloo xaq lagu caabudaana(isaga mooyee)aanu jirn. Waa Ilaah waligii jiray, waligiina jiri doona, jiriddiisu aanay bilow lahayn dhammaadna aanay lahayn. Waa Ilaah kali ah, oo laga deeq doono, aan dhalin lana dhalin, ku u eki aanu jirin, mid la mid ah, dhiggii iyo wax la mid ihina aanu jirin. Waa ka wax maqlee wax arka.

Ilaahay, sha'nigiisu korreeye, wuxu ka nazzahan yahay waqti iyo meeli (inay soohdimeeyaan), in uu kawnka a ekaado, jahooyinkuna kuma soo wareegsana, waxyaabaha abuurmayaana ma saameeyaan. Carshigiisuu Ilaahay ugu sugan yahay habkuu a sheegay, iyo macnuhuu isagu doonay, ku sugnaan u qalanta cizzigiisa iyo jalaalkiisa, korreynta sharaftiisa iyo kibirkiisa.

Ilaahay sha'nigiisu korreeye, wixii kastee jira wuu a dhaw yahay, aadamigana xawl(al) mariidka wuu uga dhaw yahay, wax kastabana wuu ilaliyaa arkaa. Ilaahay wuu nool yahay oo waa qayuum aanay lulo(gamaanyo)iyo hurdo midna aanay qaban. Samooyinka iyo dhulka isagaa abuuray, hadduu amar gooyana wuxu yidhaahdaa ahaw markaasuu ahaadaa. Ilaahay wax kastaba isagaa abuuray wax kastana isagaa wakiil ka ah.

Ilaahay sha'nigiisu korreeye, wax kastaba wuu karaa, wax kastaba wuu og yahay, wax kastaba cilmi buu ku koobay, wax kastaba tiruu ku koobay, wax ka iillanina Rabbigaa ma jiro 'tharrad' miisaankeedna ha ahaado dhulka iyo cirka (mid kasta ha ku sugnaatee). Waxa dhulka galaya iyo waxa ka soo baxaya, waxa samada ka soo degaya iyo waxa koraya intaba wuu og yahay. Meeshaad joogtaanba Ilaahay wuu idin weheliyaa, waxaad falaysaanna Ilaahay wuu arkayaa. Ilaahay wixii sir ah iyo wixii sii qarsoonba wuu og yahay. Berri iyo bad wixii ku suganna wuu og yahay. Caleen soo dhacdoonu ogayni ma jirto, mana jirto hal firi ah oo mugdiyada dhulka ku sugan iyo wax qoyan iyo wax engegan oon ku jirin kitaab wax caddaynaya.

Ilaahay sha'nigiisu korreeye, makhluuqaadka ka doona (abuurkooda) weeye waana ka maamula wixii darriya. Wixii kahyr ama shar ah ee jira, ama waxtar ah ama wax yeello ahna waxay ku sugan yihiin qadihiisa iyo dooniddiisa. Wixii a doonaa in uu ahaado wuu ahaadaa, wixii aanu doonin in uu ahaadana ma ahaado. Khalqigoo dhammi hadday isugu tagaan inay dhaqaajiyaan ama ay dejiyaan 'tharrad' kawnka ku sugan, iraadadiisa la'aanteed ma karaan.

Ilaahay, sha'nigiisu korreeye, waa maqle, arke, ku hadle hadal aan bilaw lahayn oo azali ah, oon u ekayn hadalka khalqiga.

Qur'aanka sharafta weynina waa hadalkii Ilaahay ee qadiimka ahaa, waana kitaabkii lagu soo dejiyay nabigii rasuulkii Muxammad ahaa sallaa Allaahu calayhi wa sallama. Ilaahayna, xuma ka nazzahane, wax kasta kii abuuray weeyaan, waa kii arzaaqaayay ee maamulaayay ee siduu doono ugu tasarrufaayay. Ku mulkiigiisa kula dooda ama kula dagaallamaa ma jiro. Kuu doonoo wax siiyaa kuu doonana wuu a diidaa, kuu doonana wuu u dambi dhaafaa, kuu doonana wuu cadaabaa. Wuxuu sameeyo cidi ma weydiiso iyagase(dadka) waa la weydiiyaa.

Ilaahay, sha'nigiisu korreeye, waa seeglaawe(fal same)wixii u falayo, waana garsoore wixii uu xukminayana, lagama filan karo dulmi iyo gabbood fal, axadna Ilaahay xaq uguma waajibin. Haduu Ilaahay, xume ka nazzahane, khalqigiisu siduu u dhan yahay il-bidhiqsi ku halaago kuma xad gudbin kumana dulmin(sidaa khalqigiisa)waayo waa mulkigiisii iyo addoomihiisii waxaana u bannaan in uu wuxuu doono ku falo mulkigiisa. Eebbahaana ka dulma maaha addoomaha. Addoomihiisu daacaadday la yimaaddaan Ilaahay fadligiisa iyo deeqdiisuu kaga abaal mariyaa, wixii macaasiyey la yimaaddaanna xikmad iyo garsoor buu ku ciqaabaa. In Ilaahay la addeecaa waa ku waajib addoomihiisa sida nabiyadu sheegeen calayhim-u-salaatu wa al-salaam. Waanu rumaynay giddi kutubtii Ilaahay soo dejiyay, rasuul kastuu soo diray, malaaiigta Ilaahay, iyo qaddarka sharkiisa iyo khayrkiisaba. Waxanu qiraynaa in uu Muxammad addoonkii iyo rasuulkii Ilaahay yahay, loona soo diray insiga iyo jinnkaba, carab iyo cajam, uu hanuun iyo diin xaq ah ku soo diray si u diinohoo dhan uga kor yeelo mushrikiintuba ha karaahiyaystaane, uu risaaladdii gaadhsiiyay(ciddii loo soo diray), ammaanadiina gutay, ummaddana a nasteexeeyay, kadeedkiina fayday, uu ku jihaaday dar Ilaahay jihaadkii xaqqa ahaa, uu run-sheege aamin ah yahay, lagu taageeray burahaan dhab ah iyo mucjisooyin caadada dullelis ah. Waxanu rumaysan nahay in uu Ilaahay addoomaha faral kaga dhigay in la rumeeyoo la addeecoo la raaco, oon la aqbalayn rumaynta a addoon Ilaahay rumeeyo, xumo ka nazzahane, ilaa u rumeeyo Muxammad salla Allahu calayhi wa sallama iyo giddi wuxuu keenay ee u ka warramayee la xidhiidha umuurta aduunka, aakhiro iyo barzakhaba.

Waxa taa ka mid ah in la rumeeyo su'aasha ay Munkar iyo Nakiir meytida ay su'aalaan tawxiidka, diinta iyo nabinimada, isla markaana la rumeeyo nicmaynta qabriga loogu nicmeeyo intii daacad la timid iyo cadaabta qabirga ay ku mutaan intii macsiyada la timid.

Waa in la rumeeyaa isa-soo-saarka geerida gadaasheed, dumidda Ilaahay soo dumi doono jidhka iyo ruuxaba, lana soo hor joojinn doono Ilaahay, xisaabta, in addoomuhu u kala bixi doonaan ku la saamaxo iyo ku lala doodo iyo ku jannada ku gala xisaab la'aan. Waa in miisaanka samaha iyo xumaha lagu miisaamayo la rumeeyaa. Waa in la rumeeyaa jidka siraad oo ah kaabad(buundo)ka gudubta jahannama iyo balligii nabigeenna Muxammad salla Allaahu calayhi wa sallama, oo ay mu'miniintu ka cabbaan intaanay jannada galin, biyihiisuna yihiin kuwii jannada. Waa in la rumeeyaa shaafaacada anbiyada, siddiqqinta, shuhadada, culamada suusuuban iyo mu'miniinta, oo ay shafaacda weyni gaar u tahay Muxammad salla Allaahu calayhi wa sallama. Waa in la rumeeyaa ehlu-tawxiidka wixii naarta galaa in aanu ku waaraynin qofkii ay in 'tharrad' le'eg oo iimaan ihi ay qalbigiisa ku jirtaa. Waa in la rumeeyaa in ehlu-kufriga iyo shirkigu ay naarta ku waarayaan abada, oon cadaabta laga khafiifinayn lana eegayn. Waa in la rumeeyaa in mu'miniintu ay si daaim ah ugu waarayaan jannada, daalla(noogna) aanu ku haleelayn lagana saarayn.

Waa in la rumeeya in mu'miniintu ay jannada indhohooda ugu arkayaan Rabbiggod hab u qalma jalaalkiisa iyo dhawr sanaanta kamaalkiisa. Waana la caqiidaystaa fadli iyo tartiibta asaxaabtii rasuulka Ilaahay salla Allaahu calayhi wa sallama, iyo inay yihiin akhyaar aamin ah oo aany bannaanayn in la caayo ama wax dhimaal laga sheego mid iyaga ah, khalifihii xaq ahaa rasullka Ilaahay salla Allaahu calayhi wa sallama gadaashiina u ahaa Abuubakar A1-Siddiiq, uu ku xigay Cumar Al-Faaruuq, shahiidkii Cuthmaan, Cali A1-Murtadaa, giddigood Eebbehen, sha'nigiisu korreeye, raali ha ka ahaado iyaga iyo asaxaabtii rasuulka Ilaahay salla Allaahu calayhi wa sallama giddigoodba, iyo kuwii ku xigay(taabiciintii)ee sama ku raacay ilaa aalinta abaalmarinta. Annagana (Ilaahayow) nagu raaci naxariistaada kii naxariistayaasha ugu naxariista badnaayow.

Waxa tarjumay Axmad Yuusuf Ducaale

< Return